Hayโadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedaha Dowladda Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hayโadaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay hoggaaminaysay Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.
Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen guddiga sare ee Hayโadda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray heyโadaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.










