• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home maqaalo

12-ka Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliya | Maqaal |

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 12, 2025
in maqaalo
0
12-ka Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliya | Maqaal |
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Soo Bandhigiddii Calanka.

Kadib muujinta hannaanka ee loo xardhay Calanka,xubnihii ururka SYL ee waqtigaa dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay muxaafid iyo mucaaradba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgankii dheeraa, kadib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 71- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

Hadabba,26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, halka 1dii luulyo 1960kii gobolada koonfureed ay ,iyana  ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga,isla markaana lagu guuleystay israaca labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur,kuwaas oo horsed u ahaa  dhismaha Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka, in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta dugsiyada lagu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan.

Gabagabadii,waa muhiim in ardayda iyo jiilasha dambe la baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan xusudda halgamayaashii taariikhda galay , qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

W/D:- Gobdoon.

Previous Post

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Next Post

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 11-aad.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jiray Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Waxara-Cadde.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jiray Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Waxara-Cadde.

October 12, 2025
Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

December 24, 2025
Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

December 22, 2025
Miisaaniyada maamulka Gobolka Banaadir oo la ansixiyay

Miisaaniyada maamulka Gobolka Banaadir oo la ansixiyay

December 22, 2025
Sheekh Shariif oo magaalada Kismaayo kula kulmay Dhalinyaro

Sheekh Shariif oo magaalada Kismaayo kula kulmay Dhalinyaro

December 21, 2025

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

December 24, 2025
Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

December 22, 2025
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable