Wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa maanta tagay xarunta Guddiga doorashada ee Waajid.
Wasiir Jaamac ayaa saf u galay diiwaan galinta codbixiyaasha ee ka socota Waajid,iyadoo degmada lagu qaban doono doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Wasiirka oo la hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka qeybgalay diiwangalinta ayaa ku dhiira galiyay in ay ka qeybgalaan doorashooyinka tooska ah.










