Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in shan qof lagu dilay, halka 17 meydna laga soo saaray dhismaha burburay 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo sare u qaaday tirada guud ee dadka ku dhintay dagaalka Israa’iil ee laba sano jirsaday. Warbixinta ayaa sheegtay in guud ahaan 68,858 qof la dilay halka 170,664 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaas.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dad badan weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha iyo waddooyinka, taasoo ay ugu wacan tahay in gaadiidka gurmadka iyo dab-damiska aanay awoodin inay si nabad ah ku gaaraan goobahaas sababo la xiriira duqeymo iyo burbur baahsan.
Tan iyo markii la shaaciyay xabbad-joojinta bishii October 11, ugu yaraan 226 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro Israa’iil fulisay, halka 594 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo 499 meyd oo kale laga soo saaray burburka ballaaran ee ku faafay Marinka Gaza.










