Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Suudaan, isagoo uga digay dhinacyada is haya in xaaladda bani’aadantinimo ay marayso heer aad u halis ah.
Guterres ayaa sheegay in rabshaduhu ay sii hurinayaan dhibaatooyinka shacabka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la joojiyo colaadda si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.
Ilo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa sheegay in maamulka uu tixgelinayo soo jeedin ay Dowladda Maraykanka u gudbisay oo ku saabsan xabbad-joojin degdeg ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu yareeyo dhiigga daadanaya iyo burburka sii kordhaya ee dalkaas.
Washington ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqeynayso kooxda dhexdhexaadinta si loo gaaro heshiis nabadeed oo waara. Kooxdan ayaa horay dadaallo ugu bixisay sidii loo abuuri lahaa jawi wadahadal, balse ilaa hadda waxaa caqabad ku ah isku dhacyada xooggan ee ka jira caasimadda Khartoum iyo gobollo kale oo muhiim ah.









