Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii gaari qarxay fiidnimadii Isniinta magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya. Qaraxan xooggan ayaa ka dhacay meel mashquul badan oo ku dhow saldhigga Red Fort Metro Station, xilli ay socdeen saacadaha ugu daran ee taraafikada. Booliska New Delhi ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari noociisu ahaa Hyundai i20 oo taagnaa goob taraafik ah.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in gaariga uu lahaa nin lagu magacaabo Maxamed Salman, kaas oo markii dambe la xiray, inkasta oo uu sheegay inuu gaariga horey u iibiyay.
Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan xiriirka u dhexeeya milkiilayaashii hore iyo kuwa hadda leh, iyadoo la adeegsanayo sharciyada argagixisada ee dalka.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu sababay gubashada dhowr gaari halka daaqadaha dukaamada iyo guryaha ku dhow ay burbureen. Ciidamada ammaanka ayaa gabi ahaanba xannibay aagga, waxayna bilaabeen baaritaan ballaaran oo ku saabsan sababta dhabta ah ee qaraxa, inkasta oo aan weli la xaqiijin cidda ka dambeysay.
Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay, isagoo sheegay in dowladda ay si buuxda u daba-galeyso dhacdadan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Amit Shah ayaa ku daray in dhammaan suurtagalnimada la baarayo, halka safaaradaha dalalka sida Maraykanka, Masar, iyo Israa’iil ay muujiyeen tacsi iyo walaac ku aaddan weerarka.
Qaraxan ayaa si weyn u kiciyay feejignaanta ammaanka guud ee dalka oo dhan.










