‘Waxaan kulan casho sharaf iyo is-xogwaraysi ah caawa wada qaadannay Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta dowladnimada, midnimada iyo maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.
Waxaan uga mahadceliyey Xildhibaannada booqashada iyo kulanka wadatashi ee ay iigu yimaadeen, anigoo ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in ay mudnaanta siiyaan ka shaqeynta midnimada iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aasaas u tahay ilaalinta dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu yahay’Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.















