Munaasabadda furitaanka kala Fadhiga Baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Ali Said Fiqi, Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Dalka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Madaxwayne Laftagareen oo jeediyey khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee Dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen ayaa khudbad uu jeediyey kaga hadlay Ahmiyadda kala fadhigan cusub uu uleeyahay Dardargelinta shaqooyinka sharci dejinta, Horumarinta adeegyada bulshada, Sugidda amniga guud Koonfur Galbeed, Adkeynta wada-shaqeynta Dowlada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka










