Fadhigii Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Galgaduud oo maanta lagu gaaray Go’aano culus ayaa waxaa toogasho lagu xukumay Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Galad Axmed Xuseen.
Qareenadii u doodayay eedeysanayaasha Maxkamadu sheegtay in lagu helay fal-dambiyeed Dil hooyo iyo gabdhaheeda oo ka dhacay deegaan ku dhow Qaayib ee gobolka Galgaduud.
Abuukaate Cali Cabdulahi Aadan oo u doodayay eedeysanayaasha ayaan ka wareysanay dooda ay ka qabaan xukunka Maxkamada.










