Doorashada hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa lagu doortay hogaamiye cusub, Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaana doortay hogaanka cusub ee maamulkaasi.
90-Xildhibaan oo ah Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed ayaa maanta dhiibtay codkooda, iyadoona doorashada ay aheed mid qarsoodi ah.Waxaa ku tartamay Musharax Aadan Madoobe iyo Musharax Cabdicasiis Cismaan Jawaari, waxaana waqtigii doorashada la waayay musharaxii 3-aad ee is diiwan galiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aan xaadirin hoolka doorashada.
Natiijada doorashada ayaa noqotay Aadan Madoobe oo helay 88-codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Koonfur Galbeed,waxaana uu noqday hogaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.











