Magaalada Baydhabo waxaa ka socda isbadal maamul kadib markii uu xafiiska ka tagay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo xubno kamid ahaa maamulka.
Hogaamiye KMG ah oo ay magacaawday dowladda Federalka ayaa la wareegay xilka,waxaana hadda la diyaarinaya nidaam sharci oo uu kusii shaqeeyo maamulkaasi.
Hogaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq U-Magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed.











