Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo.













