Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta si Buuxda gudaha ugu galay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanka.
War kasoo baxay Taliska Xoogga dalka ayaa lagu yiri “howlgalkaan ayaa dhacay iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo badqabka shacabka ku nool deegaanka, ciidamada ayaana sameeyay baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Xawaadley”














