Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj ayaa magaalada Muqdisho Suxufiyiinta dalka ugu qabtay kulan lagu xusayay Maalinta caalamiga ah ee ladagaalanka dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta ee 2-da November.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Nusoj oo kaa shanaya Safaarada Canada ee kenya ayaa soo qaban qaabiyay xafladan,waxaana ka qeybgalay Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Dastuurka, Safiirka Canada oo kaga qeybgalay aalada fogaan araga, UNESCO, Safiirka Talyaaniga, Midowga Africa iyo Safiirka Jarmalka.
Dhinaca kale waxaa ku sugaan kulanka Agaasimayaal ka socday warbaahinta madaxabanaan iyo Suxufiyiin, xuska 2-da November sanadkan waxaa diirrada lagu saaray tacadiyada loo geysto gabdhaha si gaar ah dhibaatooyinka uga yimaada shaqada.















