Warbaahinta Maraykanka ayaa soo tebisay in maamulka madaxweynaha Mareykanka Trump uu diyaar u yahay inuu tixgeliyo soo jeedin u oggolaaneysa Iran inay sameyso tayeynta Yuraaniyaamka, balse shuruud looga dhigay inaysan jirin waddo u sahleysa Tehran inay ku dhisato hub nukliyeer ah.
Wararka ayaa xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah, kaas oo sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso xal dhexdhexaad ah oo lagu yareynayo xiisadda nukliyeerka, iyada oo aan gebi ahaanba la joojin tayeynta Yuraaniyaamka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka tarjumeysa dabacsanaan siyaasadeed oo dhinaca Mareykanka ah, si loo sii ambaqaado wadaxaajoodyada.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in kulankii toddobaadkii hore ka dhacay Geneva aysan jirin wax soo jeedin ah oo Iran looga dalbaday inay si buuxda u joojiso tayeynta Yuraaniyaamka, sidoo kalena Mareykanku uusan arrintaas si toos ah u dalban, taas oo muujineysa in labada dhinac ay wali ku jiraan marxalad wadahadal furan ah.










