Madasha samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay caburin la sheegay in ay wajahayaan bulshada.
Madasha ayaa walaac ka muujisay ficilada dowladda ee lagu beegsanayo shacabka, tan iyo markii ay sii xoogeysteen barakicinta shacabka ee dhulka dowladda,waxaa la sheegay in shacab cabashadooda soo bandhigay in la xiray oo muddo ay ku jiraan xabsiyada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka madasha samatabixinta mucaaradka ayaa lagu xusay digniin loo diray dowladda si gaar ah Boliiska oo lagu eedeeyay xariga iyo caburinta shacabka.











