Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u soo dhaweynaysaa go’aankii ay soo saartay Maxkamadda Racfaanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaas oo meesha ka saaray dhammaan go’aannadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta dastuuriga ah ee Xildhibaannada Soomaaliyeed ee loo doortay Golaha Sharci-dejinta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa sagaalka xildhibaan ay doorteen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay xoojinta is-dhexgalka goboleed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, gaar ahaan arrimaha mudnaanta wadaagga ah sida ganacsiga, gaadiidka, horumarinta, iyo xasilloonida gobolka.
Iyadoo la xoojinayo ka-qaybgalka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mar walba ka go’an in ay xaqiijiso matalaad wax ku ool ah dhammaan hay’adaha iyo ururrada hoos yimaada ururkaasi, si loo ilaaliyo loona horumariyo danaha qaranka Soomaaliya iyo is-dhexgalka gobolka.











