War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa looga hadlay howlgal ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ciidan ka baxay Buurhakaba oo ku wajahnaa Baydhabo uu dagaalka ku qabsaday deegaankaasi.
Taliska ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ku jabiyeen Maleeshiyaadka Alshabaab dagaal ay kula galeen agagaarka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada Xoogga Dalka.
Dagaalka ayaa kooxda looga dilay 21 maleeshiyaad, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho.











