Saddex qof ayaa ku dhintay Jamaica ka dib markii ay ku dhufatay Duufaanta Melissa, taas oo ah duufaantii ugu xoogga badnayd ee caalamka laga diiwaan geliyo sanadkan. Dabeylo gaaraya 175 mayl saacaddii (282km/h) ayaa ku dhuftay jasiiradda, taas oo khubaradu sheegeen inay noqon karto duufaantii ugu xoogga badnayd ee abid ku dhacda dalkaas.
Melissa oo haatan gaartay heerka ugu sarreeya ee duufaannada, qaybta shanaad, ayaa si tartiib ah ugu sii socota jasiiradaha kale ee Kariibiyaanka.
Khubarada saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa uga digay dadka deegaanka “masiibo weyn iyo xaalado khatar ah oo nololeed,” maadaama ay suuragal tahay in duufaantu sii xoogeysato saacadaha soo socda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in afar qof oo kale ay ku dhinteen Haiti iyo Dominican Republic, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa toddobo qof. Waxaa sidoo kale la soo sheegay burbur hantiyadeed oo baaxad leh iyo go’doon ka dhashay daadad iyo roobab mahiigaan ah oo duufaantu keentay.
Khubarradu waxay ka digayaan in gaabiska ay Melissa ku socoto uu sababi karo roobab waqti dheer socda iyo fatahaado halis ah. Dowladda Jamaica iyo dalalka deriska ah ayaa ku baaqay in dadka ku nool xeebaha iyo meelaha khatarta ah ay u baxaan goobaha amniga leh.













