Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.
Kulanka oo uu shir gudoomiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ahaa akhrintii 3-aad ee heshiiska Aaga Ganacsiga xorta ah waxaana ogolaatay 145-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax kaa aamusayna ma jirin, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, (Madoobe).










