Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Malaaqyada Deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta dadaalada la xiriira dowlad dhiska iyo sidii shacabka reer Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen maamul ay ku qanacsanyihiin, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladnimo ee ay u baahanyihiin.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wafdiga ka socda Dowladda Dhexe ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo sidoo kale guud ahaan qorshayaasha dowladda ee ku aadan dhisida nidaam dowladeed oo hagaagsan iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada Koonfur Galbeed uga mahadceliyey doorkooda dhinaca dhaqanka ah ayaa kula dardaaramay in ay sii xoojiyaan kaalintooda ku aadan dib u heshiisiinta iyo sidoo kale dowlad dhiska Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ah ay muhiimad gaar ah siineyso doorka odayaasha dhaqanka.












