Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax dhigay dibu dhiska xarunta maamulka degmada Shangaani ayaa ka hadlay qorshaha horumarinta Shangaani.
Gudoomiye Muungaab ayaa soo hadal qaaday horumarinta degmada isagoo sheegay in Shagaani ay tahay degmo qadiim ah,balse dhismooyinka ku yaala ay burbursan yihiin loona baahan yahay in dibu dhis lagu sameeyo si ay ula jaanqaadaan horumarka Caasimada.
Duqa Muqdisho waxa uu amray dadka leh milkiyada dhismooyinka burbursan inay dibu u dhisaan guryahooda,taas oo qeyb ka ah mashruuca isbadalka Caasimada.













