Kulankii labaa Aqalka ee Baarlamaanka oo ajendahiisu ahaa Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.
Ugu horreyn Guddoonka guddiga Baarlamaanka labadiisa Aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay la wadaageen warbixinta wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka.
Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh.













