Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 17-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guntanka ama kooramka Kulanka oo ku furmay 147-Xildhibaan ayaa ugu horreyn waxa ay Xildhibaanada Golaha Shacabka akhrinta sedaxaad marsiiyeen Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee heshiiskan Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.
Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika, waxaana ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka laba xildhibaanna ay ka aamuseen.











