Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga dhawaaqay guddi doorasho kaa oo diyaarinayo hanaan doorasho dadban.
Madaxweyne Lafta Gareen oo muddo xileedkiisa sharciga ah dhamaaday 3-sano ka hor ayaa hadda qabanayo doorasho dadban kadib markii dowladda Federalka ay ku kala tageen nidaamka doorashooyinka cusub iyo arrimaha Dastuurka.
Dhinaca kale deegaanada Koonfur Galbeed waxaa ka socda abaabul ciidan oo iska soo horjeedo, xubno ka tirsan Xukuumadda Federalka oo kasoo jeeda maamulkaasi ayaa diyaariyay ciidan la baxay Badbaada Koonfur Galbeed, kuwaa oo si weyn u diiday nidaamka Lafta Gareena una arko inuu mar kale isku caana shubayo.
Xaaladda koonfur Galbeed ayaa ah mid walaacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dhanacyada ay dagaalamaan.










