Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo guda geli lahaa dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka cutubyada harsan, waxaana Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xildhibaan Xuseen Iidow Iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar ay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga warbixiyeen hanaanka dib U eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan ka howlgelida cutubyada harsan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa guddiyada arrimaha dastuurka qaabilsan ku bogaadiyey shaqada ay qaranka u haayaan ee ku aadan dib u eegista dastuurka, waxaana ay kula dardaarmeen dardargelinta shaqada dib u eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

















