Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa sabtidii maanta lahaa mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa, Xildhibaanada ayaana loo diray fariinta kulanka.
Dhowr ajando ayaa maanta miiska u saarnaa golaha si ay uga doodaan, balse inta badan Xildhibaanada ayaa ka maqnaaday kulanka Golaha Shacabka.
Gudoonka Golaha ayaa fariin u diray Xildhibaanada inta badan aan xaadirin Golaha, isagoo sheegay in la ganaaxi doono Xildhibaanada.










