Maanta oo tariikhdu tahay 02 Abriil 2026 ayaa waxaa madaxtooyada Puntland ee Garowe lagu dhaariyay wasiiradii cusbaa ee u madaxweynuhu magacaabay 31dii Maarso 2026, waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.
Xubnaha Wasiiradda: –
- Waxaa Cabdirashiid Barkhad Warsame loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha diinta.
- Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyadda.
- Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay wasiirka Wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
- Waxaa Caydaruus Axmed Faarax Odey, loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Deegaanka, daaqa iyo Isbedelka Cimilada.
- Waxaa Farxaan Cali Xirsi loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta.
- Waxaa Cabdifataax Ugaas Yaasin loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada.
- Waxaa Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
Xubnaha Wasiir Ku-xigeenada :-
- Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ta.
- Waxa Eng Maxamed Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda.
- Waxaa Bille Maxamuud Axmed (Qabowsade) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
- Waxaa Xassan Jaamac Ismaaciil loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanadda xoolaha.
- Waxaa Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo khayraadka Badda.
Xubnaha Wasiiru Dowlayaasha :-
- Waxaa Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha guud. Gaadiid iyo guriyeynta.
- Waxaa Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda qoryshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah.
- Waxaa Cali Maxamed Cismaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.
- Waxa Eng Maxamed Ciise Lacle loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada.
- Waxaa Maxamed Cabdikaafi Maxamed loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda xanaanadda xoolaga.
- Waxa Najiib Barkhad Warsame loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
- Waxa Mukhtaar Axmed Oday loo magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada.
- Waxaa Axmed Ibraahim Cawaale (Biid) loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda ganacsiga, warshadha igo Maalgashiga.










