Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore.
Kulanka oo ahaa soo dhaweyn iyo isbarasho ayaa Qunsulka cusub ee Itoobiya waxa uu ka mahadceliyay sida loo qaabisay isagoo sheegay inuu ka shaqeyn doono xiriirka Itoobiya iyo Puntland.













