Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiilada 6-aad ee Puntland ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa khudbdiisa diirrada ku saaray waxqabadka dowladiisa,arrimaha doorashooyinka iyo amniga,isagoo si qota dheer uga hadlay howlaha gudaha Puntland iyo waxqabadka maamulkiisa.
Madaxweyne Deni ayaa soo hadal qaaday arrimaha Siyaasadda guud ee Soomaaliya waxa uu ka hadlay Khilaafka taagan iyo doorka Puntland.
Deni waxa uu sheegay in Puntland aysan sii fiirsan doonin firaaqa sharci iyo hogaamineed ee ka jira Soomaaliya,waxa uuna ku baaqay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay qaataan mas’uuliyada badbaadinta Soomaaliya.










