Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, adkeynta amniga, xasillinta, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo dardar galinta adeegyada dowliga ah.














