Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu difaacayo danaha qaranka iyo amniga biyaha, kadib markii Itoobiya si rasmi ah u dhameystirtay una furtay biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay wabiga Nile. Al-Sisi ayaa hoosta ka xariiqay in Masar “aysan aamusnaan doonin” haddii uu sii socdo maamulka mas’uuliyad darrada ah ee biyo-xireenka, sida lagu qoray warbaahinta Ahram Online.
Isagoo ka hadlayay farriin muuqaal ah oo uu u diray ka qaybgalayaasha Toddobaadka Biyaha ee 8-aad ee ka dhacay Qaahira, madaxweynaha Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu weli ku kalsoon yahay wadahadallada diblomaasiyadeed iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah sida Mareykanka, balse taas “aan lagu fasiran karin tabar darro.” Wuxuu intaas ku daray in Masar ay difaaci doonto xaqeeda biyaha iyadoo ilaalinaysa xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in hadallada Masar ay muujinayaan “hab-dhaqan aan saaxiibtinimo ahayn,” isla markaana ay sii wadaan siyaasado dib u soo nooleynaya aragtiyihii gumeysiga ee hore. Itoobiya ayaa sheegtay in Masar ay wiiqeyso dadaallada iskaashi ee labada dal iyadoo diiradda saaraysa cadaadis siyaasadeed halkii ay ka heli lahayd xal wadahadal ah.
Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo-xireenka GERD ayaa soo jiitamayay in ka badan toban sano, iyadoo Masar iyo Suudaan ay ku doodaan in mashruucaasi uu halis ku yahay qulqulka biyaha wabiga Nile ee ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof. Itoobiya, dhankeeda waxay sheegaysaa in biyo-xireenku uu muhiim u yahay korontada iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Xiisaddan ayaa markale cirka isku shareertay kadib hadalka adag ee Madaxweyne al-Sisi, taas oo muujinaysa in arrintaasi weli tahay mid aan xal rasmi ah loo helin.










