Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Mursal oo maalmo ka hor la sheegy in laga horistaagay safarkiisii Baydhabo ayaa maanta ka hadlay arrimahaasi.
Maxamed Mursal oo Suxufiyiinta kula hadlay xarunta Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiiyay sababaha safarkii Baydhabo dib u dhigay iyo wararka sheegaya in Madaxweyne Lafta Gareen uu horistaagay.
“Cid Baydhabo noo diiday ma lahan ee Madaxweynaha ayaa dhahay waqti nasiiya” Gudoomiye Maxamed Mursal.










