Shirkadda Tamarta ee dowladda Qatar ayaa k’u dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u joojisay soo saarista Gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, kaddib weerarro la sheegay in lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ras Laffan iyo Mesaieed.
Goaankan ayaa imanaya xilli xiisad amni ay ka taagan tahay gobolka, iyadoo Qatar ay ka mid tahay dalalka ugu waa weyn ee soo saara Gaaska dabiiciga ah caalamka, taas oo ka dhigan in hakadka ku yimaada wax-soo-saarku uu saameyn ku yeelan karo Suuqyada tamarta ee Dunida.










