Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bxinta ee Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, xilli dhawaan la filayo in bulshada Caasimadda ay u dareeraan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac oo horay iskaga diiwaan galiyay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir ayaa Saakana isla Degmadaas ka qaatay Kaarkiisa isaga oo Bogaadiyay Hanaanka shaqo ee Gudigga Doorashooyinka.
“Tani waa guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u horseedi doonta in 56 Sanno kadib ay awood u yeeshaan go,aan ka gaarista Mustqbalkooda, In aad doorato Wakiilkaaga kugu matalaya siyaasadda Waxa ay kuu Fududeen doontaa inaad si fudud ula xisaabtanto”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.












