Raila Odinga oo ahaa hogaamiyihii mucaaradka Kenya ayaa goor dhow la shaaciyay inuu geeriyooday.
Raila oo lala tacaalayay xaaladiisa Caafimaad ayaa ku dhintay dalka Hindiya,isagoo ku dhintay da’da 80-Sanno.
Waxa uu soo noqday Raisul Wasaarahii Kenya,waxaana uu marar badan u tartamay xilka Madaxweynaha kenya.










