Safiirka JFS ee dalka Congo, Mudane Ilyas Ali Hassan, ayaa si rasmi ah uga gudoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, xaflad lagu qabtay Qasriga Qaranka ee Kinshasa.
Danjiire Ilyas ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka reer Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyeeyey Madaxweyne Tshisekedi guusha DRC ee ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo usheegey maadama ay Soomaaliya xubin katahay in ay iska kaashan doonaan arimaha gobolka iyo kan caalamkaba.
Danjiiraha ayaa mar kale xaqiijiyey sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee labada dal, wuxuuna soo jeediyey in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya–Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.
Danjiire Ilyas ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay fududeynta rukhsadaha ganacsiga iyo fiisaha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada wadan maadama ay xubin kawada yihiin Ururka dhaqaalaha ee EAC.













