• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed

Somali Cable TV by Somali Cable TV
April 2, 2026
in wararka gudaha
0
Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda, iskaashiga iyo horumarka dalka, waxa ayna kala yihiin.

1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed.

2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha.

3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka

4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda.

5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025).

6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda.

7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed.

8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan.

Kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso ee gobolka Awdal inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in ay qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye iyo xasillinta deegaanka.

Xukuumaddu waxa ay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyada oo ka sugaysa in ay u istaagaan deminta colaadda ayna xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Previous Post

Madaxtooyada Puntland oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee ku biiray Xukuumadda Maamulkaasi

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025

Telcom giant Hormuud accuses Kenyan forces of destroying Telecom infrastructure in Southern Somalia

January 20, 2026
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025
Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed

Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed

April 2, 2026
Madaxtooyada Puntland oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee ku biiray Xukuumadda Maamulkaasi

Madaxtooyada Puntland oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee ku biiray Xukuumadda Maamulkaasi

April 2, 2026
Raisul Wasaare Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay 6-kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha

Raisul Wasaare Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay 6-kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha

April 1, 2026
Gudoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Gudoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

April 1, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed

Shirka Golaha Wasiiraka XFS oo looga hadlay isbadalkii ka dhacay Koonfur Galbeed

April 2, 2026
Madaxtooyada Puntland oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee ku biiray Xukuumadda Maamulkaasi

Madaxtooyada Puntland oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee ku biiray Xukuumadda Maamulkaasi

April 2, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable