Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Amolo Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo 80 sano jir ah.
Raila ayaa geeriyooday xilli lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Hindiya, sida ay xaqiijiyeen ilo qoyskiisa ah.
Odinga, ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex carruur ah.
Wuxuu ku dhashay 7-da Janaayo 1945 magaalada Maseno ee gobolka Kisumu.
Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Kenya, Jaramogi Oginga Odinga, oo isna ka mid ahaa aasaasayaashii xornimada dalkaas.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, balse qoyskiisa iyo siyaasiyiin u dhow ayaa beeniyay inuu xaalad halis ah ku sugnaa.
Geeridiisa waxaa tacsi u diray Madaxweynaha Kenya, madaxda dalalka gobolka, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madax kale oo Afrikaan ah.
Raila Odinga wuxuu ahaa siyaasi magac weyn ku leh Kenya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Wuxuu muddooyin badan u halgamayay dimoqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo xorriyadda shacabka.

Doorashadii 2007-dii ayaa ahayd middii ugu muranka badnayd taariikhda Kenya, taasoo sababtay rabshado sababay dhimashada in ka badan 1,200 qof, iyo barakicinta boqolaal kun oo ruux.
Kaddib khilaafkii doorashadaas, waxaa la gaaray heshiis qaran oo uu dhexdhexaadiyay Kofi Annan, taasoo horseeday in Raila Odinga loo magacaabo Ra’iisul Wasaare sanadkii 2008, isaga oo dowlad wadaag ah la dhistay Mwai Kibaki.
Intii uu noolaa, Raila wuxuu shan jeer u tartamay madaxtinimada Kenya, balse mar kasta wuu ku guuldarreystay, isagoo ku dooday in doorashooyinkiisa la musuqmaasuqay.
In kasta oo uu si joogto ah u waayay kursiga madaxtinimada, haddana wuxuu marar badan doortay midnimo qaran, isagoo heshiisyo dib u heshiisiin ah la galay madaxda talada haysay.
Kadib doorashadii ugu dambeysay ee 2022, Raila Odinga wuxuu heshiis siyaasadeed la galay Madaxweyne William Ruto, taasoo uu ku sheegay dadaal lagu mideynayo dalka.
Sidoo kale, sanadkan ayuu u tartamay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika, balse wuu ku guuldarreystay, waxaana kursigaas ku guuleystay siyaasiga reer Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf.
In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa deegaanka Kibera, oo ah xaafadda ugu dadka badan Afrika.
Wuxuu hore u ahaa maxbuus siyaasadeed, wuxuuna haystaa rikoorka ah inuu yahay maxbuuskii ugu muddada dheeraa ee Kenya, kadib markii lagu xiray labo jeer intii lagu jiray xukunkii kalitalisnimada ee Daniel Arap Moi.
Raila Odinga waxay shacabka Kenya ku xasuusan doonaa sidii noloshiisa ugu huray difaaca xorriyadda iyo sinaanta shacabka Kenya.











