• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka caalamka

Taariikh Nololeedkii Raila Odinga: Maxbuus Siyaasadeed ilaa Ra iisul Wasaare.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 15, 2025
in wararka caalamka
0
Taariikh Nololeedkii Raila Odinga: Maxbuus Siyaasadeed ilaa Ra iisul Wasaare.
0
SHARES
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Amolo Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo 80 sano jir ah.

Raila ayaa geeriyooday xilli lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Hindiya, sida ay xaqiijiyeen ilo qoyskiisa ah.

Odinga, ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex carruur ah.

Wuxuu ku dhashay 7-da Janaayo 1945 magaalada Maseno ee gobolka Kisumu.

Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Kenya, Jaramogi Oginga Odinga, oo isna ka mid ahaa aasaasayaashii xornimada dalkaas.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, balse qoyskiisa iyo siyaasiyiin u dhow ayaa beeniyay inuu xaalad halis ah ku sugnaa.

Geeridiisa waxaa tacsi u diray Madaxweynaha Kenya, madaxda dalalka gobolka, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madax kale oo Afrikaan ah.

Raila Odinga wuxuu ahaa siyaasi magac weyn ku leh Kenya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Wuxuu muddooyin badan u halgamayay dimoqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo xorriyadda shacabka.

Doorashadii 2007-dii ayaa ahayd middii ugu muranka badnayd taariikhda Kenya, taasoo sababtay rabshado sababay dhimashada in ka badan 1,200 qof, iyo barakicinta boqolaal kun oo ruux.

Kaddib khilaafkii doorashadaas, waxaa la gaaray heshiis qaran oo uu dhexdhexaadiyay Kofi Annan, taasoo horseeday in Raila Odinga loo magacaabo Ra’iisul Wasaare sanadkii 2008, isaga oo dowlad wadaag ah la dhistay Mwai Kibaki.

Intii uu noolaa, Raila wuxuu shan jeer u tartamay madaxtinimada Kenya, balse mar kasta wuu ku guuldarreystay, isagoo ku dooday in doorashooyinkiisa la musuqmaasuqay.

In kasta oo uu si joogto ah u waayay kursiga madaxtinimada, haddana wuxuu marar badan doortay midnimo qaran, isagoo heshiisyo dib u heshiisiin ah la galay madaxda talada haysay.

Kadib doorashadii ugu dambeysay ee 2022, Raila Odinga wuxuu heshiis siyaasadeed la galay Madaxweyne William Ruto, taasoo uu ku sheegay dadaal lagu mideynayo dalka.

Sidoo kale, sanadkan ayuu u tartamay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika, balse wuu ku guuldarreystay, waxaana kursigaas ku guuleystay siyaasiga reer Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf.

In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa deegaanka Kibera, oo ah xaafadda ugu dadka badan Afrika.

Wuxuu hore u ahaa maxbuus siyaasadeed, wuxuuna haystaa rikoorka ah inuu yahay maxbuuskii ugu muddada dheeraa ee Kenya, kadib markii lagu xiray labo jeer intii lagu jiray xukunkii kalitalisnimada ee Daniel Arap Moi.

Raila Odinga waxay shacabka Kenya ku xasuusan doonaa sidii noloshiisa ugu huray difaaca xorriyadda iyo sinaanta shacabka Kenya.

Previous Post

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay ilaa Seddex Waddo

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay ilaa Seddex Waddo

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay ilaa Seddex Waddo

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025

Telcom giant Hormuud accuses Kenyan forces of destroying Telecom infrastructure in Southern Somalia

January 20, 2026
Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

February 22, 2026
Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

February 21, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable