Kulankii Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa la horgeeyay soo jeedin xil ka qaadis Taliyihii Ciidanka Asluub Mahad Cabdiraxmaan oo kamid ah xubnaa u dhow Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in Maxamed Sheekh Xasan Xaamud loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Asluubta, iyadoo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen magacaabista Taliyaha cusub.











