Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa markii labaad ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federalka.
Lafta Gareen oo dibu doorashiisa kadib khudbad uu jeediyay waxa uu ku faah faahiyay waxa uu salka ku hayo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu sheegay in leysku qabtay arrimaha masiiriga sida dastuurka iyo doorashooyinka isagoo sheegay in mudadii uu la socda dowladda uu kula joogay cabsi galin oo aysan jirin wax sharci ah oo ay kuwada shaqeeyeen.
“Xasan Sheekh lacag darteed hanoo Dilin, lacagta doorashada kaaga baxday noo sheeg Soomaali ayaa naga bixineyso” Madaxweyne Lafta Gareen.










