Kulankii Isniintii ee Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ajandihiisu ahaa qabashada doorashada xubin ka bannaanaa guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Federalka, doorashada ayaa aheed mid qarsoodi ah oo Xildhibaanadu codkooda ay sanduuqa ku ridayeen.
Waxaa u tarmayay xubinimada guddiga dastuurka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar iyo Xildhibaan Cumar Cali Isaaq.
Doorashada oo hal wareeg kusoo dhamaatay, waxaa natiijadii soo baxday ay u dhacday sidan, Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo helay 92 cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar ay heshay 68 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe.










