• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Xildhibaan Maxamed Caana-Nuug oo digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
February 1, 2026
in wararka gudaha
0
Xildhibaan Maxamed Caana-Nuug oo digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

TAARIIKHDU IYADAA ISASOO CELISA

“MW Xasanoow xaaladdu waxay joogtaa meeshii aad maalintaas ka digaysay. Diyaaradihii maanta kasoo kala kacay JL iyo PL ee aad hawada ka celisay waxay ahayd isku day dil oo bareer ah.

Waxayna markhaati u tahay sida aad uga fogtahay in la gaaro heshiis nabadeed. Waxaa kaloo arrintaas sii caddeeyay ganaaxa sharci darrada ah oo Xildhibaannada looga mamnuucay kal fadhiyada inkastoo Baarlamaankuba xirmay oo aad khasab uga shaqaysiinaysid si ay kuugu sameeyaan codayn khilaafsan sharciga si aad ula shir timaadid Dastuur aad kaligaa leedahay.

MWne waxaan ku xasuusinayaa in wakhtigaagii ay ka hartay maalmo tirsan inaad Villada sii joogtid adigoon sharciyad haysanna aysan ka duwanayn in aad Muqdisho guri ka deggen tahay.

Jidka aad haysid waa la yaqaan meesha uu ku dhammaanayo, haddaad adigu riyoonaysidna annagu waa soo jeednaa.

Si katoo aad ciidamo isugu hallaynaysid marka runta la gaaro ma noqon doonaan kuwo ku difaaca.

MW kolley kursiga wakhtigiisii waa kaa dhammaaday ee hadda waxaad shidanaysana lafahaaga iyo karaamadaada, waxaad dibindaabyaynaysaa in waddanku ka baxo culaysyada midnimo, amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed. Waxaa taariikhda kuu galaysa inaad noqotid Madaxweynihii ugu xumaa ee Soomaray Soomaaliya tan iyo xornimada la qaatay.

Waxaa buugga kuugu qoran Madaxweynihii biliqaystay hantidii qaranka, kii qabyaaladda kor u qaaday, kii siyaasadda debedda ku fashilmay oo bisad iyo jiir bac kuwada qaatay, kii waddanka kala jaray, kii ciidamo Soomaaliyeed isu adeegsaday, kii cadowgiisa koowaad ka dhigtay Soomaalida dhexdeeda.

Intaas oo dhibaato ah iyo kuwo aanan halkaan kusoo koobi karin waxaa lagu dawayn karaa in caqligu kuusoo noqdo, wixii aad hanti qaadan kartay waad qaadatay oo waxa aad urursatay ma dhammayn kartid inta cumrigaaga kaaga hartay, cimrina waad joogtaa, kursiga labo jeer baad heshay xaggee u socotaa, weli mushahaar joogto ah oo Madaxweyne waa laguu qorayaa oo gaajoon maysid. Nolosha fillada nolol ka danbaysa ayaa jirta.

Abuuris iyo waano abuuris baa horraysay, ninbaa laga sheegay hooyaday baan aqaanaayoo weligaeed meel biyo leh kuma dhalin. MWne anigu waan ku garanayaa laakiin u malayn maayo inaad tan ka faa,iidaysid.

Waxa aad burburineyso oo aad dab ku qabaneysid waa kursiga aad hada ku fadhido weli Soomaali waxay kuu taqaana inaad madaxweynetahay, laakiin maalma dhow oo aan dheereen waxaad noqon doontaa madaxweynihii hore, waxaadna ku xusnaan doontaa samaan iyo xumaan midka aad katagto.

Dastuurka Soomaaliya waa midkii adiga shalay laguugu doortay kan hada aad sameysaneyso wuxuu lamid yahay buug adiga aad qortay”.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Diyaaradihii siday Ciidanka ee hawada laga celiyay.

Next Post

Gudoonka Baarlamaanka oo war kasoo saaray dooda Dastuurka

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Gudoonka Baarlamaanka oo war kasoo saaray dooda Dastuurka

Gudoonka Baarlamaanka oo war kasoo saaray dooda Dastuurka

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025

Telcom giant Hormuud accuses Kenyan forces of destroying Telecom infrastructure in Southern Somalia

January 20, 2026
Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

February 22, 2026
Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

February 21, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable