Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo la filayo in Khamiista uu ka furmo Kismaayo.
Maanta Kismaayo waxaa gaaray xubno ka tirsan madasha samatabixinta mucaaradka kuwaa hordhac u ah Wafdi sare oo Arbacada ku wajahan Kismaayo.
Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo xubno ka tirsan madasha samatabixinta, waxaana shirkaas looga hadlayaa xaalada Siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.










