Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun Dil-toogasho ah ku riday Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Galad Axmed Xuseen.
Sido kale go’aan Maxkamada ayaa eedeysanaha seddexaad Ayuub Maxamed Cabdi waxa ay ku riday xukun shan sano oo xabsi ah.
Raggan ay Maxkamadda Racfaanka Go’aanka kasoo saartay ayaa lagu helay fal-dambiyeed dil ahaa oo ay u geysteen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, falkaas oo ka dhacay deegaan ku dhow Qaayib, ee gobolka Galgaduud.










