Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa lagu wadaa inay Isniinta guddoomiyaan shir caalami ah oo ka dhici doona magaalada Sharm el-Sheikh, kaas oo looga hadlayo soo afjaridda dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirka ay ka qeybgelayaan madax ka socota in ka badan 20 dal, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo xal waara oo nabadeed iyo xasillooni lagu soo dabaalo Bariga Dhexe.
Shirka ayaa imanaya iyadoo xabbad-joojin ay Maraykanku dhexdhexaadiyeen ay weli ka jirto Qasa, taas oo keentay in kumannaan Falastiiniyiin ah ay ku laabtaan guryahoodii burburay. Ciidanka Israa’iil ayaa dib u gurasho sameeyay, halka maamulka Qasa uu sheegay in in ka badan 5,000 hawlood oo samata-bixin iyo dib u dhis ah la qabtay tan iyo markii dagaalka la joojiyay, inkastoo go’doominta Israa’iil ay weli taagan tahay.
Hay’adaha gargaarka ayaa ugu baaqay Israa’iil inay furto isgoysyada si caawimaad loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Qasa.
Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dib u furista 145 xarumood oo cunto qeybin ah, balse ay sugeyso oggolaansho ay Israel bixiso. Mas’uul ka tirsan WFP ayaa sheegay in xaaladda hadda ay u baahan tahay in la hirgeliyo isla habraacyadii gargaarka ee la adeegsaday xabbad-joojintii hore ee Janaayo.
Dhanka kale, heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigaya in 20 maxbuus Israa’iili ah iyo meydadka 28 kale lagu soo celinayo, iyadoo Israa’iil ay sii deyn doonto ilaa 2,000 oo Falastiiniyiin ah oo ay u xirto dagaalka labadii sano ee la soo dhaafay.
Magaaladda Tel Aviv, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay fagaare weyn, halkaas oo ay si diirran ugu mahadceliyeen Trump iyo ergadiisa, iyagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu dagaalka u adeegsaday dano siyaasadeed.










