Maanta oo kale 14-kii October 2017 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxii ugu weynaa oo marqura ay ku dhinteen boqolaal qof oo shacab ahaa.
Weerarkaas oo ka dhacay wadada mashquulka badan ee Soobe ayaa noqday Xasuuq, dhimashada ayaa tira beeshay, dhawaaca iyo dadkii gubtay ayaa la kala garan waaye, iyadoo shacabka ay galeen xaalad jahwareer iyo quus ah.
8-sanno kadib xusuustii uu reebay Qaraxii Soobe waxaa kamid ah dad maalintaas lexaadkooda dhameystirnaa oo maanta naafo ah.
Dhibane Maxamed Xaashi oo aan ka wareysanay xusuustiisa Xasuuqii Soobe waxa uu Qaraxaasi ku waayay Wiilkiisa, isagana naafo ayuu ku noqday.
Daawo:-Warbixinta Dhibane Maxamed Xaashi oo dib u milicsanaya Xusuustii xanuunka badneed ee Soobe.










