• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home Blog

Masar oo ka digtay Tallaabooyin ay qaadi doonto kadib furitaanka Biyo-Xireenka Itoobiya.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 14, 2025
in Blog, wararka caalamka
0
Masar oo ka digtay Tallaabooyin ay qaadi doonto kadib furitaanka Biyo-Xireenka Itoobiya.
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu difaacayo danaha qaranka iyo amniga biyaha, kadib markii Itoobiya si rasmi ah u dhameystirtay una furtay biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay wabiga Nile. Al-Sisi ayaa hoosta ka xariiqay in Masar “aysan aamusnaan doonin” haddii uu sii socdo maamulka mas’uuliyad darrada ah ee biyo-xireenka, sida lagu qoray warbaahinta Ahram Online.

Isagoo ka hadlayay farriin muuqaal ah oo uu u diray ka qaybgalayaasha Toddobaadka Biyaha ee 8-aad ee ka dhacay Qaahira, madaxweynaha Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu weli ku kalsoon yahay wadahadallada diblomaasiyadeed iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah sida Mareykanka, balse taas “aan lagu fasiran karin tabar darro.” Wuxuu intaas ku daray in Masar ay difaaci doonto xaqeeda biyaha iyadoo ilaalinaysa xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in hadallada Masar ay muujinayaan “hab-dhaqan aan saaxiibtinimo ahayn,” isla markaana ay sii wadaan siyaasado dib u soo nooleynaya aragtiyihii gumeysiga ee hore. Itoobiya ayaa sheegtay in Masar ay wiiqeyso dadaallada iskaashi ee labada dal iyadoo diiradda saaraysa cadaadis siyaasadeed halkii ay ka heli lahayd xal wadahadal ah.

Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo-xireenka GERD ayaa soo jiitamayay in ka badan toban sano, iyadoo Masar iyo Suudaan ay ku doodaan in mashruucaasi uu halis ku yahay qulqulka biyaha wabiga Nile ee ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof. Itoobiya, dhankeeda waxay sheegaysaa in biyo-xireenku uu muhiim u yahay korontada iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Xiisaddan ayaa markale cirka isku shareertay kadib hadalka adag ee Madaxweyne al-Sisi, taas oo muujinaysa in arrintaasi weli tahay mid aan xal rasmi ah loo helin.

Previous Post

Xasuuqii Soobe | Maqaal |

Next Post

Raila Odinga oo ku dhintay da’da 80-sanno.

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Raila Odinga oo ku dhintay da’da 80-sanno.

Raila Odinga oo ku dhintay da'da 80-sanno.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable