Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo sannadkan diiradda lagu saarayo Hayaanka Tamarta Soomaaliya.
Munaasabada daahfurka bandhiggan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adda dowladda, ganacsato, culimaa’udiin, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa soo qaban qaabisay waana sannadkiisii 4-aad oo la qabanayo bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed,iyadoo sannadkan diirada lugu saaraayo Hayaanka Tamarta Soomaaliya.



Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa khudbad uu ka jeediyay daahfura bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed waxaa ku yiri fariintiisa:
“Korontada Soomaaliya laga isticmaalo waxaa 85% laga dhaliyaa shidaal. Shirkadda Hormuud waxay go’aansaday in ay ka miradhaliso kheyraadka dabiiciga ah ee Rabbi nagu mannaystay, waxaana xarumaheennu ku tiirsan yihiin koronto aan ka dhalinnay cadceedda, si aan kaalin uga qaadanno badbaadinta deegaanka” Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf .

Wasiirka Tamarka iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa dhankiisa ka hadlay bandhiggan oo ay qbabaneyso Shirka Hormuud.
“Korontada Soomalaiya waxaa 85% laga dhaliyaa shidaal dibadda laga soo dhoofiyay. Waxaan wadnaa dadaallo hoos loogu dhigayo isticmaalka shidaalka, waxaana noo qorsheysan in aan seddaxda sano ee soo socoto 50% gaarsiinno adeegsiga shidaalka, 50% laga dhaliyo qorraxda, si loo helo koronto raqiis ah oo nadiif ah” Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya.

Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan oo kamid ah Culimadii lagu casuumay bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa soo hadal qaaday mowduuca bandhigga sanadkan oo ah Tamarta Soomaaliya.
“Qorraxda kuleelkeeda kaliya in aad dareenno ma aha ee waa in aan ku baraarugno in ay tahay nicmo Alle noogu deeqay, oo aan koronto ka dhalin karo, waana in aan ka faa’iideysanno cadceeddaas Eebbe noona sakhiray oo ay hodanka ku tahay Soomaaliya” Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan.











