Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlaya Ciidamo ka tirsan Asluubta ayaa si gaar ah uga hadlay arimaha amniga iyo mas’uuliyada Ciidanka.
Taliye Mahad waxa uu sheegay in laga hortago weerarada Kooxda AS islamarkaana la xoojiyo Amniga xabsiyada dalka,isagoo soo hadal qaaday weerarkii dhawaan ka dhacay Xabsiga Godka Jilcow.
Taliyaha waxa uu sheegay in kooxda AS ay isticmaaleyso xeelado cusub iyadoo isku soo ekeysiineyso Ciidanka,waxaana ciidamada ka howlgala Xabsiyada uu faray inay baaraan dhamaan gaadiidka ciidanka, askarta iyo shacabka.










